La-tashiga

AFTIDII IYO CODEYNTII AAN U BANDHIGNAY DADWEEYNAHA IYO NATIIJOOYINKII KASOO BAXAY;

Guddiga La socodka Dastuurka Baarlamaanka FS ayaa Bogagga ay ku leeyihiin Baraha Bulshadu isugu timaado waxay Dadweynaha Soomaaliyeed ku weeydiiyeen aragtidooda ku aadan Cutubyo iyo Qodobo muhiim u ah dib u eegista Dastuurka si guddigu u ogaado fikradaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Guddigu waxuu sameeyay 6 codeeyn oo kala duwan, waxaana halkaan ku soo bandhigeynaa su’aalihii iyo jawaabihii laga bixiyay.

 

  • Nidaamka Fulinta Xukuumadda Dalka?
  • Waa tanaa su’aashii aan Bulshada waydiinay iyo jawaabteedii.

Guddiga Dastuurka ee Baarlamaanka FS wuxuu raadinayaa aragtida Dadweynaha Soomaaliyeed ee Nidaamka Fulinta (Xukuumadda) Dalka.

Nidaam fulin noocee ah ayaa kula haboon?

1) Nidaam Madaxweyne iyo Ra’sulwasaare (Qaabka hadda noo degsan). 
2) Nidaam Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen.

Guud ahaan waxaa codeeyay dad dhan 5,100 qofood;

2,700 oo cod (54%) waxey u codeeyeen; Nidaam Madaxweyne iyo Ra’sulwasaare (Qaabka hadda noo degsan).

2,300 oo cod (46%) waxey u codeeyenNidaam Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen.

  • Waqtiga ay xilka haaynayaan hay’adaha Dowladda?
  • Waa tanaa su’aashii aan Bulshada waydiinay.

Sida uu qabo Dastuurka ay Dib-u-eegista ku socoto, Waqtiga ay xilka haynayaan Hay’adaha Dawladda Federaalka Soomaaliya (Baarlamaanka iyo Fulinta) waa 4 sano. Dadka qaar ayaa qaba in waqtigan yer-yahay loona baahan yahay in la gaarsiiyo 5 sano si fursad fiican oo wax lagu qabto loo helo. Maxay kula tahay?

Guud ahaan waxaa codeeyay dad dhan 6,800 oo qofood;

2,400 oo cod (37%) waxey u codeeyeen; In 4 sano loo daayo

4,200 oo codna (63%) in 5 sano laga dhigo

  • Xildhibaanku wasiir ma noqon karaa?
  • Waa tanaa su’aashii aan Bulshada waydiinay iyo jawaabteedii.

Dastuurka KMG wuxuu ogolaanayaa in Xildhibaanka Golaha Shacabka uu noqon karo Wasiir. Maadaama ay socoto dib u eegista Dastuurka maxay kula tahay in laga yeelo? Xildhibaanka wasiir ma noqon karaa?

Guud ahaan waxaa codeeyay dad dhan 9,700 oo qofood;

1,900 oo cod (20%) waxey u codeyen; Haa 

7,700 oo cod (80%); Maya

  • xilalka sare ee Dawlada iyo dhalashooyinka ajnabiga ah?
  • Waa tanaa su’aashii aan Bulshada waydiinay iyo jawaabteedii.

Dadka qaar ayaa qaba shakhsiyaadka loo dooranayo ama loo magacaabayo xilalka sare ee dowladda inay ka tanaasulaan dhalashada ama Bassporada dalalka kale ee ay haystaan ka hor inta aysan qaban xilalka sida; Madaxweynaha, Guddoonka Baarlamaanka iyo Ra’isul-wasaaraha.
Maadaama laga yaabo inaanay u wanaagsanayn dalka sumcad ahaan, shaqo ahaan iyo xafidaada sirta Qaranka. Hadaba dib u eegista Dastuurka maxay kula tahay in laga sameeyo?
1. Inay ka tanasulaan
2. Inaysan ka tanasulin

Guud ahaan waxaa codeeyay dad dhan 7,100 qofood;

6,300 oo cod (89%) waxey u codeyen; Inay ka tanasulaan dhalashada kale

797 oo cod oo kaliya (11%) ayaa u codeysay; In ay iska haysan karaan dhalashooyinka kale

  • Afka carabiga luuqadee laga dhigaa?
  • Waa tanaa su’aashii aan Bulshada waydiinay iyo jawaabteedii.

Soomaaliya waxay ka mid noqotay 1974 Jaamacadda Carabta, Dastuuradii 1979 iyo 2004 Afka Carabigu wuxuu ahaa afka kowaad si lamid ah Afka Soomaaliga, halka Dastuurkii 2012 kii uu ka dhigay Afka Carabigu afka 2aad. Haddaba, aragtidaaada ka dhiibo, Afka Carabiga ma laga dhigaa luqada Kowaad si la mid ah Afka Soomaaliga, mise waxaa laga dhiga Afka 2aad?

Guud ahaan waxaa codeeyay dad dhan 9,700 oo qofood;

3,500 oo cod (36%) waxey u codeyen; Haa ( ha laga dhigo Afka kowaad)

6,200 oo cod celcelis ahaane ah (64%) waxey u codeyen; Maya (ha laga dhigo Afka 2aad).

  • Maqaamka Caasimadda Muqdisho?
  • Waa tanaa su’aashii aan Bulshada waydiinay iyo jawaabteedii.

Dastuurka KMG qodobka 9aad, caasimadda Soomaaliya waa Muqdisho. Maqaamka magaalada madaxda waxaa dib u eegista Dastuurka go’aan uga gaari doona labada Aqal ee BFS. Haddaba Guddiya Dastuurka ee BFS iyo kan madaxbannaan waxaa ay diyaariyeen xulashooyin ku saabsan Maqaamka Caasimadda. Waxaa ka mid ah labadan hoose ee muwaadin midkee kula haboon?

1. Degmo Caasimad ah.

2. Caasimad Dowald Goboleed ah

Guud ahaan waxaa codeeyay dad dhan 17,400 oo qofood;

7,800 oo cod (45%) waxey u codeyen; Caasimad Dowlad Goboleed ah.
9,500 oo cod celcelis ahaane ah
(55%) waxey u codeyen; Degmo Caasimad ah.

 

 

Guud ahaan Bulshada u codeysay Lixdaan afti waxeey noqdeen 55,800 oo qofoof, inta badanne waxey codsadeen in loo soo bandhigo natiijadii codeynta lana tixgaliyo rabitaankooda, waan tixgalinay rabitaanka shacabka, waana u soo bandhignay.

 

—–Qaybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada, Guddiga La-socodka Dastuurka BFS—–

 

Scroll to Top
Scroll to Top