Dastuurka 1960

Dastuurkii 1960-kii

Inkasta oo dastuurkii 1960-kii uu ahaa mid ay diyaarisay xukuumaddii daakhiliga (1950- 1960), dowladdii cusbeyd ee Soomaaliya (1960- kii) si ku meelgaar ah ayay u aqbashay dastuurkaas.

Baarlamaankii Soomaaliya ayaa ansixiyay qabyo qoraalki dastuurka ee la soo diyaariyay 21dii Juun 1960.

Sanadkii 1961-dii, dowladda waxa ay soo bandhigtay dastuurkii, shacabka ayaana afti dadweyne ku ansixiyey. Waxaa lagu meel-mariyay afti-dadwayne 20kii Juun 1961, waxaana HAA ugu codeeyey (90%) codadkii la tiriyay ee ay dhiibteen dadka soomaaliyeed.

 Waxaa dastuurkan la laalay 1969-kii kaddib markii awooddii dalka ay afgambi kula wareegeen taliskii militariga ahaa ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

Halkaan hoose kala deg asagoo Soomaali iyo English ah.

Scroll to Top
Scroll to Top