Dastuurka 1979
Dastuurkii 1979-kii
21-dii Oktoobar 1969-kii waxaa awooddii dalka afgambi kula wareegay taliskii ciidanka, waxaana la inqilaabay dowladdii rayidka ahayd ee shacabku soo doortay, waxaa sidoo kale la laalay Dastuurkii Dalka. Waxaa wadanka lagu maamulayay muddo 10 sano ah dekreetooyin aan cuskanayn wax saldhig dastuuri ah.
Sannadkii 1979, dowladdii militariga ayaa soo bandhigtay dastuur kale oo isla sanadkaasi afti dadweyne lagu ansixiyay.
Waxaana afti loo qaaday 25tii Agust 1979, waxaa ogolaaday (99.8%).
Waxaa wax ka beddel lagu sameeyay 1989 sida ku cad Sharci Lamb. 14 ee 4tii Maarso 1989.