Dastuurka 1990
Dastuurkii 1990-kii
Dastuukii 1990-kii wuxuu ahaa mid aad uga duwan dastuurki 1979 ee ku dhisnaa nidaamka hanti-wadaagga iyo mabaadi’dii shuuciga, waxa uu ogolaaday nidaam dimuqraadi ah iyo baahinta awoodda.
Waxay dawladdii kacaanku soo diyaariyeen Dastuur ka kooban 119 qodob, waxaana nuqulki ugu horreeyay lagu daabacay faafinta rasmiga ah ee dowladda 12 Oktoobar 1990, hase yeeshee iyadoon loo qaadin afti dadweyne ayay dhacday dowladdii dhexe ee dalka.