Hay`adaha Kushaqada leh

HAY’ADAHA DOWRKA MUHIIMKA AH KU LEH DIB-U-EEGISTA DASTUURKA

Hay’adaha dowrka ku leh: –

a)   Guddiga La-socodka iyo Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

b)   Wasaarada Arrimaha Dastuurka, DFS

c)   Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka

d)   Laamaha Fulinta iyo Sharci-dejinta ee Dawlad Goboleedyada

Dowrka iyo Mas’uuliyadaha Hay’adaha Ku Shaqada leh Dib-u-eegista Dastuurka

 

Qodobada 63(a), 69 (2) (g) iyo 71 (a & g) ee Dastuurka KMG ah waxay siinayaan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee BFS awoodda Dastuuriga ah ee dib-u-eegista Dastuurka.

Sidoo kale Qodobka 133aad ee Dastuurka ayaa abuuraya Guddiga La-socodka iyo Dib-u-eegista Dastuurka si uu ula socdo una tilmaamo hannaanka dib-u-eegista dastuurka ka hor muddo-xileedka Baarlamaankii 9aad. Isla qodobkan ayaa faraya in labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka uu midkiiba soo doorto shan (5) xubnood oo ka mid noqda guddiga dib u eegidda iyo lasocodka dastuurka ee BFS isla markaana  Dawlad goboleed kasta siinaya inay u soo  magacawdo hal ergay oo ka mid noqda guddiga dib u eegidda iyo lasocodka  dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qodobka 134aad waxaa uu aasaasayaa Guddiga Madaxa banaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka si uu taageero farsamo u siiyo Guddiga La-socodka iyo Dib-u-eegista Dastuurka ka hor muddo-xileedka Baarlamaanka 9aad. Wasaaradda Arrimaha Dastuurka DFS ayaa u xilsaaran soo jeedinta magacaabidda xubnaha Guddiga Dib-u-eegista iyo Hirgalinta Dastuurka. Ka dib Qaraar Baarlamaankii 9-aad  uu soo saaray lana ansixiyey bishii Juun 2016kii ayaa,  shaqada dib-u-eegista dastuurka loo gudbiyey Baarlamaanka 10aad.  Guddigii hore ee La-socodka iyo Dib-u-eegista Dastuurka ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan dib-u-eegista dastuurka oo ka koobneyd saddex xulasho, kuna wareejiyay Guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ee Baarlamaanka 10aad.

Mas’uuliyadda iyo Waajibaadka Guddiga Dib-u-Eegista iyo La socodka Dastuurka ee Baarlamaanka:

 

Guddiga Dib-u-Eegista iyo La socodka Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka wuxuu u gudanayaa mas’uuliyadiisa iyo waajibaadkiisa si waafaqsan qodobbada 133aad iyo 134aad ee Dastuurka Federaalka KMG ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

1.   Wuxuu la soconayaa, tilmaamayaa, islamarkaana meelmarinayaa howlaha Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka si waafaqsan Dastuurka KMG ah iyo Sharciga lagu dhisay Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

2.   Wuxuu u gudbinayaa Guddiga Madaxabannan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka mashruuc sharci qabyo qoraal ah, tilmaanna ka siinayaa qaabka ay u kala hortabin leeyihiin, si loo xaqiijiyo is waafaqsanaanta iyo isku xirnaanta axkaamta Dastuurka qabyada ah.

3.   Waxay dhexdooda dib-u-eegis ku sameeynayaan xeerarka qabyada ah iyo warbixinta la socota oo uu soo gudbiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

4.   Wuxuu ku wargalinayaa lana tashanayaa bulshada rayidka, culimada, haweenka, dhalinyarada, ururada siyaasadeed iyo dhammaan qaybaha kale ee dadweynaha waxyaabaha uu ka koobanyahay soo jeedinta iyo warbixinta uu soo gudbiyay Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyadoo lala kaashanayo Wasaaradda Arimaha Dastuurka.

5.   Wuxuu hubinayaa in dadweynaha la siiyo fursado ku filan oo ay kaga qeybqaataan doodaha intii suurta gal ah.

6.   Wuxuu la tashanayaa guddiyada iyo xubnaha kale ee Baarlamaanka Federaalka.

7.   Wuxuu la tashanayaa Hay’adaha Sharci-dejinta ee dawladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka.

8.   Wuxuu si madaxbanaan u qorsheenaya una maamulayaa miisaaniyadda Guddiga La socodka iyo dib-u-eegista Dastuurka, iyadoo la dhowrayo shuruucda Maamulka Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

9.   Wuxuu diyaarinayaa qorshaha hawleedka iyo hannaanka dib-u-eegista dastuurka iyo miisaaniyad lagama maarmaanka u ah ee lagu fulinayo howlaha geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka iyadoo lala kaashanaayo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dustuurka. –

10.                 Guddiga Dib-u-Eegista iyo La socodka Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka wuxuu korjoogteynayaa, lana xisaabtamayaa hawlaha Wasaaradda Arimaha Dastuurka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgalinta Dastuurka si waafaqsan Dastuurka KMG ah.

Mas’uuliyadda iyo Waajibaadka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka waxaa kamid ah:

 

1.   In ay fududeyso abuurista xaalado iyo jawi suuragelinaya hirgelinta meelmarka iyo hannaan hufan oo la xiriira geedi socodka dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka, taas oo ku imaaneysa:

a)   Fududeynta wadaxaajoodka siyaasadeed ee u dhaxeeya dawladda Federaalka Soomaaliya iyo dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka ee ku saabsan arrimaha qoondaynta awoodaha ay kala leeyihiin dawladda federaalka iyo dawladaha xubnaha ka ah JFS, wadaagga khayraadka iyo dakhliga, maqaamka caasimadda, amniga, nidaamka garsoorka dalka IWM.

b)   Fududeynta, ka qaybqaadashada latashiyada iyo wacyigelinta dadweynaha ee ku saabsan hawsha dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka lagala yeelanayo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Maamuladda kale ee hoos yimaada Dowladda Federaalka, ururadda siyaasadda, bulshada rayidka, Haweenka, Dhallinyarada iyo guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed si loo abuuro jawi daah furan,  loo wada dhanyahay oo la xiriira geeddi socodka Dib-u-Eegista Dastuurka iyadoo lala kaashanayo Guddiga Dib-u-Eegista iyo La socodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib- u- Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

c)   Fududaynta iyo qorsheynta maalgelinta lagu fulinayo hawlaha geedi socodka dastuurka oo laga  soo uruurinayo dawladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo deeq bixiyaasha Caalamiga ah iyadoo lala tashanayo Guddiga Dib-u-Eegista iyo La socodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa Bannaan.,

d)   Waxay si madaxbanaan u qorsheenaysaa una maamulaysaa miisaaniyadda Wasaaradda Arrimaha Dastuurka, iyadoo la dhowrayo shuruucda Maamulka Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

e)   Ka qayb qaadashada abaabulka, uruurinta dhaqaale iyo diyaarinta farsamada looga baahan yahay si loo suurtogeliyo in howsha dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurku noqoto mid si dhammaystiran u qabsoonta, iyadoo lala kaashanayo Guddiga Dib-u-Eegista iyo La socodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga Madaxa Bannaan.

f)     Xoojinta isku duwidda hay’adaha xiriirka la leh geedi socodka dib-u-eegidda Dastuurka iyo Isku dubaridka dhammaan hawlaha maamul ee fududeynaya habsami u gudashada hawlaha inta lagu guda jiro geedi socodka dib-u-Eegista iyo hirgelinta Dastuurka iyadoo lala kaashanayo labada Guddi ee Dib-u-Eegista Dastuurka.

g)   Kor u qaadidda iyo abuuridda jawi suuragelinaya wada shaqeyn iyo is garabsi dhex mara hay’adaha muhiiimka ah ee ku lug leh geedi socodka dib-u-eegista Dastuurka.

2.   Xaqiijinta aragtida mideysan ee mowqifka rasmiga ah ee hay’adaha Dowladda Federaalka ka qabto hawsha Dib- u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka.

3.   Diyaarinta iyo dhaqangelinta sharci Afti Qaran taas oo saldhig u noqonaysa qabashada Afti Dadweyne oo lagu ansaxiyo Dastuurka.

4.   Fududeynta xaladaha suurtagelinaya in la helo jawi siyaasadeed oo lagu diyaarinayo laguna qabto Afti Dadweyne oo Dastuurka loo qaado.

 

Masuuliyadda iyo Waajibaadka Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka

 

Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka (GMD) wuxuu u gudanayaa xilalkiisa iyo waajibaadkiisa si waafaqsan qodobbada 133aad iyo 134aad ee Dastuuurka Federaalka KMG aha iyo qodobka 12aad ee sharciga lagu dhisay Guddiga Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee soo baxay 3dii Luulyo 2013kii waxaana ka mid ah:

1)   Howshiisa u guto hadba sida uu Guddiga Dib-u-Eegista iyo La socodka Dastuurka ee Baarlamaanka uu tilmaamo, Iyagoo diyaarinaya wax ka bedelka Dastuurka si waafaqasan jadwalka koowaad (C), ama la soo jeediyo mashruuc sharci qabyo ah sida ku cad jadwalka (D) ama hadba sidii kale ee loo baahdo.

2)   Diyaariyo warbixin ku salaysan cilmi baaris iyo xog ururin taasoo tilmaan ka bixineysa qodob, cutub ama mashruucsharci oo loo soo gudbiyay wax ka beddelkiisa.

3)   Dhameystiro baaris sharciyeed ama xaqiiqo ee lagama maarmaanka u ah gudashada howsha dib u eegista Dastuurka.

4)   U gudbiyo Guddiga Dib-u-Eegista iyo La socodka Dastuurka ee Baarlamaanka soo jeedinta wax ka beddelka qodobada Dastuurka oo dhammeystiran ama mid qabya ah oo ay la socoto warbixin.

5)   U gudbiyo Guddiga Dib-u-Eegista iyo La socodka Dastuurka ee Baarlamaanka warbixin saddex biloodle ah ama haddii laga soo codsado wixii ku soo kordhay dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka iyo caqabad kasta oo hortaagan si wax looga qabto.

6)   Si madaxbanaan u maamulo dakhliga loo qoondeeyay ee loogu talagalay howlaha Guddiga Madaxbanaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyadoo la dhowrayo shuruucdda Maamulka Maaliyadda ee JFS.

7)   Helo shaqaale ku filan, iyadoo loo fiirinayo hadba inta Miisaaniyadda ay la eg tahay, si ay u gutaan xilkooda hab waafaqsan Dastuurka iyo Shuruucda Dalka.

8)   U guto hawl kasta oo u dirsado Guddiga Dib-u-Eegista iyo La socodka Dastuurka ee Barlamaanka.

 

Scroll to Top
Scroll to Top