Taariikhda Geedi Socodka Dastuurka

1.    SOOYAALKA DASTUUR SAMAYNTA SOOMAALIYA (1960-2012)

 

A.    DASTUURKII 1960-kii

 

1.     27-dii Bishii Janaayo 1950 waxaa gobolladii koon-fureed wisaayo ahaan loo hoos-geeyay Talyaaniga, waxayna Qaramada Midoobay go’aamisay in muddo 10 Sano ah uu Maamulo Soomaaliya.

2.     Maamulki talyaaniga ee maxmiyadda waxaa gacan siinayay gole la talin ah oo ka koobnaa wadamada kala ah Kolombiya, Indiya, Pakistan, Masar iyo Filibiin.

3.     Xilligaas waxaa Dalka lagu dhaqayay axdiga ku taariikheysan 21 November 1949.

4.     Isla waqtigaas ayuu bilowday geeddi socodka dastuur samaynta Soomaaliya, waxayna waddamadii kor-joogtaynayay maxmiyaddu ay bilaabeen howsha diyaarinta qabyo qoraal Dastuur iyagoo u xilsaaray wakiilkii Hindiya ee Qaramada Midoobay.

5.     1957-dii ayaa degreeto L.140 ee 6dii September 1957 lagu magacaabay labo guddi oo kala ah guddi siyaasadeed iyo guddi farsamo oo soo diyaariyo Dastuurka Soomaaliya.

6.     November 1958-dii ayuu Guddigii farsamadu soo bandhigay qabyo-qoraal Dastuur oo hordhac ah kana kooban 141 Qodob, ayna la socoto faallooyin gaaraya 316 bog.

7.     Degreeto L.6 ee 8dii Janaayo 1960 ayaa awood buuxda u siisay Golihii sharci dejinta in uu la wareego howsha Dastuur samaynta.

8.     Golihii sharci dejinta waxay marki ugu horreysay kulmeen 17-kii Maarso 1960, waxayna magacaabeen guddi siyaasaddeed oo soo daraaseeyo qaby-qoraalka Dastuurka 22dii Maarso 1960.

9.     Guddigii siyaasaddu wuxuu hawshiisii billaabay 23 Maajo 1960, wuxuu yeeshay 42 fadhi muddo 31 maalmood gudahood, waxayna ansixiyeen qabyo-qoraalka dastuurka 21 Juun, 1960, taasoo ka horreysay in ka yar labo toddobaad maalintii madax-bannaanida Soomaaliya ee 1dii Luulyo, 1960.

10.  Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay qabyo qoraalki dastuurka ee la soo diyaariyay 21dii Juun 1960.

11.  Waxaa lagu meel-mariyay afti-dadwayne 20kii Juun 1961, waxaana HAA ugu codeeyey (90%) codadkii la tiriyay ee ay dhiibteen dadka soomaaliyeed.

 

B.    DASTUURKII 1979

1.     21-dii Oktoobar 1969-kii waxaa awooddii dalka afgambi kula wareegay taliskii ciidanka, waxaana la inqilaabay dowladdi rayid ahayd ee shacabku soo doortay, waxaa sidoo kale lalaalay Dastuurki Dalka. Waxaa wadanka lagu maamulayay -muddo 10 sano ah -dekreetooyin aan cuskanayn wax saldhig dastuur ah.

2.     1977-dii ayaa Xeerka Madaxweyne ee Lambarkiisu yahay 90/91 ee soo baxay 20kii Oktober 1977 lagu magacaabay guddi soo diyaariyo mashruuc Dastuur.

3.     Waxaa uu guddigii soo diyaariyay qabyo-qoraal Dastuur oo ka kooban 114 qodob, waxaana lagu ogolaaday Sharci L.16 ee soo baxay 20kii May 1979.

4.     Waxaa sidoo kale lagu ogolaaday Xeerka Madaxweynaha ee Lamb. yahay 23 ee soo baxay 16kii Juun 1979 ee aftida Dastuurka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliya.

5.     Waxaana afti loo qaaday 25tii Agust 1979, waxaa ogolaaday (99.8%).

6.     Waxaa wax ka beddel lagu sameeyay 1989 sida ku cad Sharci Lamb. 14 ee 4tii Maarso 1989.

C.    DASTUURKII 1990

1.     Dastuukii 1990-kii wuxuu ahaa mid aad uga duwan dastuurki 1979 ee ku dhisnaa nidaamka hanti-wadaagga iyo mabaadi’dii shuuciga, waxa uu ogolaaday nidaam dimuqraadi ah iyo baahinta awoodda.

2.      Markii ay jabhadihii hubaysnaa dalka ka dilaaceen kana hor yimadeen xukuumaddii ciidanka isla markaana ay dalbadeen in dalka laga hirgeliyo nidaam dimuqraadi ah, lana laalo nidaamka shuuciga ah ee awooddi oo dhan siiyay hal xisbi, kolkaas ayay garwaaqsatay xukuumaddii ciidanku in la sameeyo Dastuur ku dhisan nidaam dimuqraadi ah.

3.     Waxay magacowday guddi farsamo oo ka soo talo bixiyo nidaamka dowladeed iyo midka Dastuurka ee ku habboon dalka.

4.     Waxay guddiga farsamadu soo diyaariyeen Dastuur ka kooban 119 qodob, waxaana nuqulki ugu horreeyay lagu daabacay faafinta rasmiga ah ee dowladda 12 Oktoobar 1990, hase yeeshee iyadoon loo qaadin afti dadweyne ayay dhacday dowladdii dhexe ee dalka.

D.   AXDIYADII KMG

1.     26-dii Juun 2000 ayay ergadii shirki Carta ansixiyeen Axdiga KMG ee Dowladdii TNG.

2.    Wuxuu dhisayay nidaam dowlad KMG, dimuquraadi ah isla markaana leh ismaamul goboleed, wuxuuna ka koobnaa 38 Qodob.

3.    Dabayaaqadii 2002 ayaa shir dib u heshiisiin ah ka bilowday dalka Kenya oo ay taagyeereysay IGAD.

4.    Geeddi Socodkaas waxaa lagu gaaray ansixintii Axdiga Federaalka ah iyo Dawlad KMG ah.

5.     Axdiga Federaalka KMG wuxuu ka koobnaa 71 Qodob, wuxuuna dhisay nidaam dowladeed oo federal ah.

E.    DASUURKA KMG 2012

1.     Geeddisocodka Dastuursamaynta federaalka waxaa saldhig u ahaa Axdigii KMG ahaa iyo heshiiski Jabuuti.

2.     Qodobka 68aad ee Axdiga MKG ah wuxuu dhigayay in dastuur federal ah lagu dejiyo muddo laba sano iyo bar, ka bilaabato aasaasidda Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka Federaalka, waxaana Guddiga la dhisay Juun 2006-dii, ayadoo la raacayo qodobka  sare ku xusan ee Axdiga KMG.

3.     Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka Federaalka waxa lagu dhisay Sharciga lambarkiisu yahay RS-OP/3951-06 oo uu Baarlamaanka Federaaliga ah ee KMG ah ku ansixiyay go’aanka summadiisu tahay TFP/1/193/06. Waxa go’aankaasi lagu magcaabay 15 xubnood si waafaqsan Axdiga Federaalka ee KMG ah.

4.     Axdiga KMG federaalka iyo Sharciga lambarkiisu yahay TFP/1/193/06 waxay tilmaamayeen habka loo diyaarinaayo qabyo-qoraalka Dastuurka Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyagoo qeexaya waajibaadka loo xilsaaray Guddiga iyo hay’adaha kale ee u xilsaaran ka qayb-qaadashada diyaarinta qabyo-qoraalka Dastuurka.

5.     Iyadoo laga ambaqaadayo Heshiiskii Jabuuti ee 2009kii, tirada Guddiga waxaa lagu kordhiyay 15 xubnood waxaana la gaarsiiyay 30 xubnood, xubnaha lagu kordhiyay waxay matalaya garabka xukuumadda wadaagga ku soo kordhay.

6.     Bishii Maarso 2010 Guddigu wuxuu gudagaley howshiisi farsamo oo ay ku jireen doorashada guddoonka, dejinta xeer hoosaadka guddiga, bilaabidda daraasadda dastuurka, hannaanka qabyo-qoraalka dastuurka, wacyigelinta, la-tashiga dadweynaha iyo daraasado ku saabsab waaya-aragnimada shisheeye ee Dastuur sameynta, gaar ahaan habraaca latashiyada, iyo arrimaha Dastuuriga ee gaarka ah.

7.     30-kii Luuliyo 2010 Guddiga Madaxabannaan ee Dastuurka Federaalka waxa uu soo saaray Qabyo-qoraalka dastuurka ee la-tashiga dadweynaha ooka koobnaa 179 qodob, wuxuu dhisayay nidaam dowladeed oo u qeybsan Dowladaha Hoose, Dowlad Goboleed iyo Dowlad Federaal ah.

8.     Sannadkii 2011-kii, guddi cusub oo khubaro ah ayaa la sameeyay si ay u caawiyaan, dastuurkana ula dhameystiraan, guddiga madaxa bannaan ee dastuurka.

9.     Labadii guddi ee dastuurka waxa ay qabyo qoraal iswaafajinaya aragtiyada kala duwan, usoo bandhigeen bishii Abriil 2012-kii lixda saxiixayaal ee hannaanka Roadmap-ka iyo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Danjire Augustine Mahiga.

10.  Kulan looga hadlayay Dastuurka ayay saxiixayaashii ku qabsadeen Addis Ababa, iyaga oo aanan ku casuumin xubnaha labada guddi ee dastuurka.

11.  Guddi Farsamo oo aan xubnihiisa la shaacin ayaa la sameeyay waxa uuna dib u eegid ku sameeyay Dastuurka, waxayna saxiixeyaashii ku dhawaaqeen in ay isku afgarteen arrimihii ay isku maan-dhaafsanaayeen ee Dastuurka.

12.  Guddiga farsamo ooku shirayay -muddo laba isbuuc ah- Magaalada Nairobi ayaa mar labaad dib-u-eegis ku sameeyay qaar kamid ah qodobada dastuurka kahor inta aanan qoraalka ugu danbeeyay loo gudbinin saxiixayaasha.

13.  23dii Juun 2012 inta aan heshiiska lagu kala saxiixan Kenya ayay Dowladdii KMG ahayd wareegto ku kala diray Guddigii Madaxa Bannaanaa ee Dastuurka iyo Guddigii Khubarada ahaa.

14.  Bishii Juun 2012, saxiixeyaashii ayaa Nairobi ku ansixiyay Dastuurka KMG iyo afar habraac oo uu ku jiro habraaca samaynta gole matalo qaranka isla markaana aansixiyo Dastuurka.

15.  Guddigii Farsamada ee Fududeynta ayaa u gudbiyay nuqul daabacan oo Dastuurka Kumeel-gaarka ah Golahii Metelaadda Qaranka bishii Julaay 2012.

16.  Golaha oo ka koobnaa 825 ergo waxa la faray in ay u codeeyaan dastuurka iyaga oo aan waxba ka beddelin.

17.  1-dii Agoosto 2012, Golaha Metelaadda Qaran ayaa ansixiyay Dastuurka Kumeelgaarka ah.

 

F. Qabyotirka Dastuurkan KMG ah

1.  5-tii Janaayo 2013 waxaa la dhisay Guddiga La Socodka Dib-u- eegidda Dastuurka ee Baarlamaankii 9aad.

2.  3dii Luuliyo 2013 waxaa la soo saaray Sharci Lamb.27 ee lagu dhisay Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegidda iyo Hirgelinta Dastuurka.

3.   Bishii Juun 2014 waxaa la magacaabay xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegidda iyo Hirgelinta Dastuurka.

4.  Baarlamaankii 9aad ayaa wax-ka-baddel ku sameeyey labo qodob oo kamid ah Dastuurka KMG, kuwaasoo kala ah Qod. 67-aad iyo Qod. 138aad.

5.  Baarlamaanki 9aad ayaa Bishii Luulyo 2015 ansixiyay qaraar jiheynaya hannaanka dib u eegidda dastuurka.

6.  Baarlamaankii 9aadwuxuu la kulmey caqabado badan balse wuxuu soo saarey warbixin wadata xulashooyin la xiriira hannaanka dawladnimada, balse lagama doodin lamana ansixin.

7.  10-19 Apriil 2017dii waxaa la doortay xubnaha Guddiga La-socodka Dib- u- eegidda iyo Hiregelinta Dastuurka ee Baarlamaanka 10aad kuwaasoo ka kooban labada Gole ee Baarlamaanka Federaalkaiyo min hal ergo oo ka imaanaysa Dowlad Goboleedyada.

Scroll to Top
Scroll to Top