Guulaha

       GUULIHII LAGA GAARAY DIB U EEGISTA DASTUURKA

Qorshaha Farsamada dib u eegidda Dastuurka

Waxaa la diyaariyey qorshaha Dib-u-eegidda Dastuurka ee 15-ka cutub loogu kala qaybiyey saddex qay-bood oo kala ah:

1.     Cutubyada 1aad, 2aad, 3aad, 4aad iyo 5aad/12aad

2.     Cutubyada 6aad, 7aad, 8aad iyo 9aad

3.     Cutubyada 10aad, 11aad, 13aad, 14aad iyo 15aad.

Sidoo kale, labada Guddi waxaa ay u mareen dib-u-eegidda cutubyada dastuurka habka ku qeexan qaraarkii Baarlamaankii 9aad ee 2015 oo ah sida soo socota:

1.     Qodobo Farsamo oo u baahan in laga eego luuqadda, qaladaadka qoraalka, IWM.

2.     Qodobo u baahan Kabid, ku daris ama ka dhimis.

3.     Qodobo u baahan wada-xaajood siyaasadeed in ay ka galaan Xukuumadda Federaalka Soomaliya iyo Xukuumadda Dowlad Goboleedyada.

Nuxurka Wax-ka-beddelka: Qabyo-qoraalka 1aad

1.    Tallaabooyinkii la qaaday si loo soo saaro Qabyo-qoraalka 1aad:

       i.         Tallaabooyinkii loo maray dib-u-eegista Cutubyada 1aad ilaa 5aad

·      18 May 2018, Guddiga La socodka si waafaqsan Qodobka 133(5) ee Dastuurka KMG waxaa uu u direy Guddiga Madaxbannaan inay dib-u-eegid ku soo sameeyaan Cutubyada 1aad ilaa 5aad.

·      Isla taariikhdaas Guddiga La-socodku wuxuu u direy Wasaaradda Arrimaha Dastuurka inay fududeyso Arrimaha u baahan wadaxaajoodka ee ku jira cutubyadaas gaar ahaan Qodobada 44 iyo 54 ee Dastuurka KMG ah.

·      9 Juun 2018 Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ayaa Guddiga La-socodka soo gaarsiisay Heshiiskii Madaxda Federaalka iyo kuwa Dawlad Gobleedyada ee Nooca Doorashada 2020 iyo Wadaagga Dakhliga Kheyraadka ay ku gaareen Baydhabo 3 – 5 Juun 2018.

·      11 Julaay 2018 Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka ayaa u soo gudbiyey Guddiga La-socodka Soojeedimaha ay ka soo sameeyeen Cutubyada 1aad, 2aad, 3aad, 4aad iyo 5aad & 12aad.

·      Guddiga La-socodka, 12 ilaa 27 Julaay, waxay ka diyaariyeen faallooyin soojeedinta wax-ka-beddelka Dastuurka ee Guddiga Madaxbannaan.

·      Guddigu La Socodku wuxuu kulamo isdaba joog ah la qaatey guddiga Madaxabannaan ee dib-u-eegidda dastuurka, wuxuuna ansixyey soojeedinta ay soo gudbiyeen Guddiga Madaxabannaan.

     ii.         Tallaabooyinkii loo maray dib-u-eegidda Cutubyada 6aad ilaa 9aad

·      24 November 2018, Guddiga La socodka wuxuu u diray GMDHD diyaarinta cutubyada 6aad ilaa 9aad si ay dib-u-eegid ugu soo sameeyaan cutubyadaas ayagoo raacaya hannaanka ku qeexan qaraarka Barlamaankii 9aad.

·      9 Janaayo 2019, Guddiga Madaxabanaan ayaa u soo gudbiyay Guddiga La socodka cutubtayada 6aad ilaa 9aad oo ay dib-u-eegid ku soo sameeyeen.

·      Guddiga La socodku wuxuu siiyey tilmaamo iyo sixid kadibna wuxuu ansixiyay cutubyada loo soo gudbiyay 15kii bishii February 2019.

    iii.         Tallaabooyinkii loo maray dib-u-eegidda Cutubyada 10aad ilaa 15aad

·      18 Maarso 2019, Guddiga La socodka ayaa si waafaqsan Qodobka 133(5) wuxuu u diray GMDHD diyaarinta cutubyada 10aad, 11aad, 13aa, 14aad iyo 15aad ayagoo raacaya tilmaamaha uu siiyey Guddigu La socodka.

·      Isla taariikhdaas, Guddigu wuxuu u diray Wasaaradda Arrimaha Dastuurka in ay fududeyso Arrimaha u baahan wada-xaajoodka ee ku jira Cutubyadaas gaar ahaan Qodobka 122aad ee ka hadlaya maamulka Maaliyadda Guud.

·      22 May 2019 ayay Guddiga Madaxbannaan dib ugu soo celiyeen Guddiga La socodka cutubyadii oo ay dib u eegid ku soo sameeyeen.

·      7 Julaay 2019 ayay labada Guddi isla meel dhigeen islamarkaana dhamaystireen cutubyada 10aad ilaa 15aad.

    iv.         Natiijooyinka Soo-jeedinta Wax-ka beddelka Qabyo-qoraalka 1aad

Labada Guddi waxay saldhig uga dhigeen qabyo-qoraalka 1aad ee dib-u-eegidda Dastuurka cilmibaaris iyo daraasado ay ku sameeyeen Dasaatiir kala duwan, waxay sidoo kale waxyaabo badan ka soo qaatay ama ka soo qaateen howlihii baaxadda weynaa ee ay horey u qabteen Guddigii La socodka Baarlamaanki 9aad iyo Guddiga Madaxa-bannaan, waxaana ka soo baxay natiijada soo socota:

Cutubka

Waxa Isbedelka

Tirada

Cutubka 1aad

Faqrado cusub

5

Faqrado la tiray

2

Cutubka 2aad

Faqrado cusub

16

Faqrado la tiray

4

Cutubka 3aad

Faqrado cusub

2

Faqrado la tiray

2

Qodob laga wada-xaajooday

1

Cutubka 4aad

Qodobo cusub

1

Faqrado cusub

4

Cutubka5aad

Qodobo cusub

1

Qodobo la tiray

2

Faqrado cusub

6

Cutubka 6aad

Qodobo cusub

1

Qodobo la tiray

9

Faqrado cusub

32

Faqrado la tiray

6

Cutubka 7aad

Qodobo cusub

2

Qodobo la tiray

3

Faqrado cusub

23

Faqrado la tiray

1

Cutubka 8aad

Qodobo cusub

2

Faqrado cusub

18

Faqrado la tiray

1

Cutubka 9aad

Qodobo cusub

6

Qodob la tiray

3

Faqrado cusub

13

Faqrado la tiray

1

Cutubka 10aad (Cusub)

Qodobo

5

Faqrado

11

Cutubka 11aad

Qodobo la tiray

7

Faqrado cusub

13

Faqrado la tiray

6

Cutubka 12aad

Qodob Cusub

1

Qodob la tiray

2

Faqrado cusub

4

Faqrado la tiray

2

Cutubka 13aad

Qodob cusub

1

Faqrado cusub

9

Faqrad la tiray

3

Cutubka 14aad

Qodobo cusub

0

Qodob la tiray

1

Faqrado cusub

9

Cutubka 15aad

Qodob cusub

1

Qodobo la tiray

6

Faqrado cusub

4

Faqrado la tiray

1

2.    Hanaanka loo maray Qabyo-Qoraalka 2aad ee dib-u-eegidda Dastuurka

Si ay labada Guddi ee Dastuurka u soo saaraan Soo-jeedinta Qabyo-qoraalka 2aad ee dib u eegidda Dastuurka, waxaa ay mareen talaabooyinkan soo socda:

·      Muddadii u dhexeysay 9 ilaa 11 Okotber 2018, Magaalada Garoowe ee Puntland ayaa waxaa isugu yimid xubnaha Madasha Guddiyada Dastuurka ee Heer Federaal iyo Heer Dawlad Goboleed oo ka kooban Guddiga Dib-u-eegidda iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegidda iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiyada Dastuurka Baarlamaannada Dawlad Goboleedyada iyo xubno ka socda Guddoonnada Baarlamaannada Dawlad Goboleedyada. Shirka waxaa ay labada Guddi ee heer federaal ku soo bandhigeen soo-jeedjinta dib-u-eegidda Cutubyada 1aad ilaa 5aad ayadoo xubnaha Dawlad Goboleedyada ay aragtidooda ku darsadeen soo-jeedinta labada Guddi.

·      Muddadii u dhexeysay 7 ilaa 9 Abriil 2019, Magaalada Kismaayo ee Jubbaland ayaa waxaa isugu yimid Hay’adaha Dastuurka ee heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed oo ka kooban Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, Guddiga Dib-u-eegidda iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka, Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegidda iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddoonnada Baarlamaannada DXF, Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka DXF, Guddiyada Dastuurka Baarlamaannada DXF iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Shirka waxaa lagu falanqeeyey soojeedinta wax-ka-beddelka cutubyada 6aad ilaa 9aad oo ay sameeyeen labada Guddi ee heer federaal ayadoo hay’adaha ka qaybgaley ay aragtiyo ka dhiibteen soojeedintaas.

·      Muddadii u dhexeysay 26 ilaa 28 Agoosto 2019, Magaalada Garoowe ee Dawladda Puntland ee Soomaaliya ayaa waxaa isugu yimid xubnaha Madasha Guddiyada Dastuurka ee Heer Federaal iyo Heer Dawlad Goboleed, waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xubno ka socday Guddoonnada Goleyaasha Wakiilada Dawlad Goboleedyada. Shirka oo diiradda lagu saarey soo-jeedinta wax-ka-beddelka cutubyada 10aad, 11aad, 13aad, 14aad iyo 15aad ee Dastuurka KMG ee ay diyaariyeen Guddiyada heer Federaal, ayaa ka qaybgalayaasha waxaa ay talooyin ka soo jeediyeen wax-ka-beddelka ay sameeyeen labada Guddi.

·      Intii u dhaxaysay 27 October ilaa 5 November 2019, waxaa Magaalada Istanbuul ee Turkiga isugu tagay Hay’adaha Dastuurka ee heer Federaal (Wasaradda Arrimaha Dastuurka, Guddiga La-socodka ee BFS iyo Guddiga madaxbannaan ee Dastuurka) iyo xubno ka kala socdey Guddiyada Dastuurka ee Dawlad Goboleedyada. Shirka intuu socday waxaa soojeedimo iyo aragtiyo ku aadan wax ka bedelka labada Guddi ee lagu sameeyay Dastuurka u soo bandhigay hay’adaha Dastuurka ee heer federal iyo heer dowlad goboleed khubaro ajnabi iyo kuwo Soomaali ah ayadoo ka qaybgalayashuna ay doodo wax ku ool ah ka yeesheen soo-jeedinta labada guddi iyo aragtida khubarada.

·      Waxaa sidoo kale jirey kulamo xilliyo kala duwan loo qabtay qaybaha bulshada ee jooga Gobollada kala duwan ee dalka iyo masuuliyiin isugu jira heer federaal iyo heer dawlad goboleed ayadoo ay labada guddi kaga dhageysanayeen talooyinkooda ku aadan soojeedimaha labada Guddi ee dib u eegista Dastuurka.

·      Mudadii u dhaxaysey 10 December ilaa 30 December 2019, Labada Guddi oo kaashanaya khubaradooda ayaa dib u eegid ku sameeyey talooyinkii kala duwanaa ee ka soo baxay kulamada Madasha Guddiyada Dastuurka, Kulamada kale ee bulashada iyo hay’adaha heer Federaalka iyo heer dawlad goboleed iyo natiijadii Kulankii Istanbuul ayagoo ugu danbeyn 30 Janaayo 2020 labada Guddi soo saareen Soojeedinta Qabyo-Qoraalka 2aad ee dib-u-eegidda Dastuurka KMG oo ka kooban 16 cutub, 159 qodob.

3.    Natiijooyinka Soojeedinta Wax-ka beddelka Qabyo-qoraalka 2aad

Guud ahaan qabyo-qoraalka 2aad waxaa Dastuurka KMG qodobodiisa iyo faqradihiisa lagu sameeyey dib u habeyn, siiqayn iyo kaabid inta badan wax looga bedeley nuxurka faqrado hoosaadyada. Balse isbedelada ugu waaweyn waa kuwan shaxda hoose ka muuqda ayadoo ay xusid mudan tahay in mudadii soo saarista qabyo-qoraalka 2aad aaney jirin wax heshiis siyaasadeed ah oo laga galey qodobada wada-xaajoodka u baahan.

Cutubka

Waxa Isbedelka

Tirada

Cutubka 1aad

Faqrado cusub

4

Faqrado la tiray

2

Cutubka 2aad

Faqrado cusub

15

Faqrado la tiray

7

Cutubka 3aad

Faqrad cusub

1

Faqrad la tirey

1

Cutubka 4aad

Qodobo cusub

2

Faqrado cusub

11

Faqrado la tirey

1

Cutubka5aad

Qodobo cusub

3

Faqrado cusub

13

Faqrado la tiray

1

Madax cusub

1

Cutubka 6aad

Qodobo cusub

3

Qodobo la tiray

5

Faqrado cusub

18

Faqrado la tiray

1

Cutubka 7aad

Faqrado cusub

16

Faqrado la tiray

1

Cutubka 8aad

Qodobo cusub

3

Faqrado cusub

14

Cutubka 9aad

Qodobo cusub

5

Qodob la tiray

1

Faqrado cusub

33

Faqrado la tiray

3

Cutubka 10aad (Cusub)

Qodobo

5

Faqrado

13

Cutubka 11aad

Qodobo la tiray

3

Faqrado cusub

10

Faqrado la tiray

14

Cutubka 12aad

Faqrado cusub

3

Faqrad la tiray

1

Cutubka 13aad

Qodob cusub

1

Faqrado cusub

9

Faqrad la tiray

1

Cutubka 14aad

Qodobo cusub

4

Qodob la tiray

1

Faqrado cusub

19

Cutubka 15aad (cusub)

Qodobo

3

Faqrado

5

Cutubka 16aad

Qodob cusub

1

Qodobo la tirey

6

Faqrado cusub

6

Faqrado la tirey

26

Jadwalada

Jadwal cusub

2

Jadwal la tiray

2

 

 Kulamada iyo Shirarka ay qabteen Guddiyada

1.    La tashiga Qorshaha Dib-u-eegista Dastuurka.

Hay’adaha Dastuurka ee heer Federaal waxay latashiyo la sameeyeen Dawlad Goboleedyada iyo Bulshada rayidka si loo xaqiijiyo mabaadi’da lahaashaha si uu Dastuurka u noqdo mid Soomaali leedahay, Soomaalina hogaamineyso. Sidoo kale, Guddiyadu waxay kala tashadeen Gudoonnada labada Aqal ee BFS, ayagoo ka ansixiyey Guddiyada Joogtada ah ee labada Aqal Qorshaha-Farsamo ee Dib-u-eegidda Dastuurka.

 

2.    Shirweynaha Qaran ee Daahfurka Dib-u-Eegista Dastuurka

 

Hay’adaha u xilsaran dib u eegista dastuurka waxay si wadajir ah u qabteen 13 – 15 May 2018, Shirweyne Qaran ee lagu daah-furay wajiga labaad ee Hannaanka dib-u-eegista Dastuurka. Shirkan oo ay ka soo qayb-galeen dhammaan Hay’adaha iyo talo-wadaagyada doorka muhiimka ah ku leh Geedi socodka Dib-u-eegista Dastuurka oo ay ka mid yihiin Xukuumada Federaalka, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,  Dowlad Goboleedyada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaa si rasmi ah u daah-furay wajiga 2aad ee Hannaanka dib-u-eegista Dastuurka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ahaana Ku-simaha Madaxaweynaha JFS.

 

3.    Asaasidda Madashada Guddiyada Dastuurka

Si loo dardargeliyo hawlaha dib-u-eegista Dastuurka, Guddiga La socodku iyo Guddiga Madaxbannaan ee Dastuurka waxay aas-aaseen April 2018 Madasaha Guddiyada Dastuurka oo ka kooban Guddiga La Socodka, Guddiga Madaxabannaan iyo Guddiyada Dastuurada ee Baarlamaanada Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabelle, Jubbaland iyo Galmudug. Waxaa sidoo kale Madashan marjac looga dhigay Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada heer Federaalka iyo kuwa Dawlad Goboleedyada.

Madasha Guddiyada Dastuurka waxaa loo yagleelay in Guddiyada Dastuurka ee heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed ay yeeshaan xiriir iskaashi iyo wada shaqeyn, sidoo kale dardargelinta dhamaystirka iyo qabyo-tirka Dastuurka KMG ah.

 

4.    Kulamada Madasha Guddiyada Dastuurka

Guddiyada Dastuurka ee heer federal waxaa ay qabteen seddex kulan oo lagula tashanayay Guddiyada Dastuurka ee Goleyaasha wakiilada Dawlad Goboleedyadasi loogu soo bandhigo cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyey, kuwaas oo ka dhacay Xarumaha Dowlad Gobaleedyada. Madasha 2aad iyo 4aad waxay ka dhaceen Garowe Oktoobar 2018 iyo Aguusto 2019 waxaana looga doodey cutubyada 1aad – 5aad iyo 10aad – 15aad sida ay ukala horeeyan. Madasha 3aad waxay ka dhacday Kismaayo April 2019, waxaana lagu soo bandhigay loogana doodey cutubyada 6aad – 9aad oo dib u eegista lagu sameeyay. Kulamadaas waxaa kasoo qayb galay Guddoonka Barlamaaanada Dawlad Goboleedyada, xubnaha Madasha Guddiyada Dastuurka iyo xubnaha Madasha Wasaaradaha Dastuurka ee Puntland, Jubbaland, Konfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

 

5.    Kulamada lala yeeshey Hay’adaha Federaalka Soomaaliya

       i.         Kulamada Madaxweynaha JFS

Hay’adaha Dastuurka ayaa 3 jeer oo kala duwan la kulmay madaxweynaha Jamhuuriyaradda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Shirkii 1aad oo dhacay September 2017 waxuu ahaa is barasho hay’adaha Dastuurka dhaxdooda ah iyo sidii loo bilaabi lahaa howlaha Dastuurka. Shirkii 2aad ee Desember 7, 2017 oo muhiim u ahaa hanaanka dib u eegista Dastuurka waxaa ka soo qayb galay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre, Guddoonka labada Aqal, Madaxweynayaasha dhammaan dawlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Hay’daha Dastuurka ayaa u soo bandhigay Madaxda Qaranka iyo kuwa Dawlad Goboleedyada kaalinta muhiimka ee looga baahan yahay gaar ahaan inay wadaxaajood ka sameeyaan arrimaha wadaxaajoodka u baahan sida qodobada 44, 54 iyo 122.

Waxaa mar sadexaad Hay’adaha u xil saran dib u eegista Dastuurka ee heer federal oo kala ah Guddiga Dastuurka Baarlamaanka FS iyo Guddiga Madaxabanaan iyo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ay 30kii July 2019 kulan xog-wareysi ah la qaateen Madaxweynaha JFS.

Kulankas waxaa lagu soo bandhigay horumarka laga gaarey dib u eegista Dastuurka iyo sidoo kale caqabadaha jira, ayada uu madaxweynahu balanqaadey taageero buuxda inuu siinaayo dib u eegista Dastuurka kuna booriyey hay’adaha inay dar-dargeliyaan howshooda dib u eegista Dastuurka.

     ii.         Kulamada Guddoonka BFS iyo Guddiyada Joogtada ah

Guddiyada Dastuurka waxaa ay kulamo tiro badan la qaateen Guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waqtiyo kala duwan si warbxin looga siiyo geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka, horumarada iyo caqabadaha iyo kaalinta muhiimka ah BFS ee dib u eegista Dastuurka.

  

   iii.         Akhrinta 1aad ee Habraaca Ansixinta Dastuurka

Labada Guddi waxaa ay diyaariyeen Habraaca Ansixinta dib u eegista Dastuurka ayagoo fadhiga wadajirka ah ee labada Gole ku soo bandhigay 27 Nov 2019. Habraacan ayaa waxaa uu qeexayaa hanaanka doodda iyo ansixinta Dastuurka. Habraacan waxaa la mariyey akhrinta 1aad asagoo sugaya in la ansixiyo.

 

   iv.         Wareejinta Qabyo qoraalka 2-aad ee dib u eegista Dastuurka

Labada Guddi ayaa si rasmi ah ugu wareejiyey Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Nuqulka Qabyo Qoraalka 2-aad ee Wax ka beddelka Dastuurka 6dii February 2020. Munaasabadan lagu wareejiyay Buuga Qabyo Qoraalka 2aad ayaa ay labada Guddi kala hadleen Guddoonka labada Gole sidii loogu garabsiin lahaa howlaha dhiman ee dhameystirka dib u eegista Dastuurka, ayagoo Gudoonkuna u hambalyeeyen sida ay howsha u wadaan guddigu, ballana qaaday inay ku garab siin doonaan dadaalkooda lagu dhameystirayo Dastuurka KMG ah.

 

     v.         Kulamada Raysul wasaaraha JFS

Raysul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre ayaa la kulmay Guddiga La ocodka Dib-u-Eegista Dastuurka ee BFS, Gudddiga Madaxa bannaan iyo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka 8dii December 2018.

Hay’adaha Dastuurka ayaa warbixin kasiiyey hawlihii u qabsoomay, caqabadaha iyo qorshaha Dib-u-eegista Dastuurka ayadoo uu Raysal wasaaruhu dhankiisa u mahad celiyay hayadaha Dastuurka sida ay ugu dadaalayaan dhameystirka Dastuurka. Sidoo kale Raysul-wasaaraha Soomaaliya ayaa goobjoog ka ahaa heshiis Is-Afgarad iyo Qorshe Mideysan oo ay kala saxiixdeen Hay’adaha Dastuurka taas oo ka dhacdey xafiiska Ray’sul-wasaaraha 15 November 2017.

 

   vi.         Kulamada Wasaaradaha iyo Guddiyada Federaalka

Kulanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee XFS

Guddiyadu  waxaa kulan la yeeshay Wasiirka, Wasiir Dawlaha iyo wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha 9kii August 2018 si loo korjoogteeyo hawlaha ay wasaaraddu ka shaqeenaysay ee fadaraalaynta iyo wadaxaajoodka siyaasadeed ee la xiriira dib-u-eegista Dastuurka gaar ahaan qodobadda 8aad, 9aad iyo 54aad ee Dastuurka KMG.

Kulanka Guddiga Madaxabannaan ee Xuduuudaha iyo Arrimaha Federaalayta:

Guddiyadu waxaa ay laba kulan oo kala duwan la yeesheen Guddiga Madaxabannaan ee xuduudaha 2dii August 2018 iyo 25kii May 2018. Guddiga La socodku wuxuu warbixinno kala duwan ka-dhagaystay Guddiga Madaxabannaan, wuxuu warbixin dhamaystiran ka bixiyey arrimaha xuduudaha. Labada Guddi ayaa is dhaafsadey aragtiyo muhiim u ah cutubyada iyo qodobada Dastuurka ee khuseeya Federaaleynta.

Kulanka Guddiga Madaxabanaan ee Shaqaalaha Rayidka;

Labada guddi ee u xil saran dib u eegista Dastuurka oo kala ah Guddiga La-socodka Dastuurka Baarlamaanka FS iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dastuurka ayaa taariikhdu markey aheyd 12ka Febraayo 2020 kulan wadatashi ah la qaatey Guddiga Madaxbannaan ee Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda.Guddiga Shaqaalaha Rayidka ayaa soo bandhigay aragtidooda ku aadan Cutubka Shaqalaaha Rayidka ah ayadoo labada guddi ay soo dhoweeyeen aragtida Guddiga una balanqaadeen in la tixgelin doono kuna dari doono qaar ka mid ah aragtidooda.

6.    Kulamada Dowlad Goboleedyada iyo Latashiyada Bulshada

Labada Guddi ee heer Federaal ayaa ku qabtay caasimadaha Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Puntland Iyo Jubaland dhowr jeer, doodo iyo barnaamijyo lagula tashanayo laguna wacyi gelinayo qaybaha bulshada.

Latashiyadaas waxa ay ku saabsanaayeen Doodo la xiriira mawduucyo ka mid ah Dastuurka oo si gaar loo bartilmaamsaday si loo ogaado fahamka bulshada qaybaheeda kala duwan sida:

a.     Haweeka

b.     Dhalinyarada

c.     Culumada

d.  Dadka baahiyaha gaarka ah qaba

e.     Ardayda dugsiyada

f.      Baaarlamaanada.

Scroll to Top
Scroll to Top