Qorshaha
Guddiga Dastuurka
WAXYAABAHA U QORSHEYSAN GUDDIGA
Guddiga La socodka Dastuurka BFS waa guddi ka kooban labada Aqal ee BFS iyo xubno ka socda Dawlad Goboleedyada, waxuuna ka shaqeeyaa kormeeridda, hagidda iyo ansixinta geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka. Si geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka loo dhameystiro bartamaha sanadkaan 2020, Guddiga La socodka Dastuurka BFS waxaa qorshihiisa dhaw ka mid ah:
- In talooyinka iyo aragtiyada laga soo uruuriyo Baarlamaannada, Xukuumadaha iyo Bulshada Rayidka ee Dowlad Goboleedyada, Gobolka Banaadir iyo Guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed laguna biiriyo hannaanka wax ka beddelka iyo dib u eegidda Dastuurka ka hor inta aan loo gudbin Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya;
- In bisha Apriil 2020 ay Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ansixiyaan Qaraarka habraaca ansixinta wax-ka-beddelka Dastuurka KMG;
- In Qabyo-qoraalka wax ka beddelka Dastuurka loo gudbiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya horraanta Bisha Apriil 2020 si uu uga doodo una ansixiyo;
- In sanadka 2020 ay Soomaaliya yeelato Dastuur dhamaystiran oo uu BFS ansixiyey;
- In lagu wacyigeliyo bulshada Soomaaliyeed ahmiyadda uu Dastuurku u leeyahay, lana baro Dastuurka;
- In luqad dastuur loo beddelo arrimaha wada-xaajoodka siyaasadeed u baahan marka ay heshiis siyaasadeed ka gaaraan dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyadukadibna loo gudbiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si uu ansixiyo