Waajibaadka

Masuuliyadda iyo Waajibaadka Guddiga La socodka Dastuurka ee Baarlamaanka FS

Guddiga Dib-u-Eegista iyo La-socodka Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu u gudanayaa mas’uuliyadiisa iyo waajibaadkiisa si waafaqsan qodobbada 133-aad iyo 134-aad ee Dastuurka Federaalka KMG ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

1.   Wuxuu la soconayaa, tilmaamayaa, islamarkaana meelmarinayaa howlaha Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka si waafaqsan Dastuurka KMG ah iyo Sharciga lagu dhisay Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

2.   Wuxuu u gudbinayaa Guddiga Madaxabannan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka mashruuc sharci qabyo qoraal ah, tilmaanna ka siinayaa qaabka ay u kala hortabin leeyihiin, si loo xaqiijiyo is waafaqsanaanta iyo isku xirnaanta axkaamta Dastuurka qabyada ah.

3.   Waxay dhexdooda dib-u-eegis ku sameeynayaan xeerarka qabyada ah iyo warbixinta la socota oo uu soo gudbiyay Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib u Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

4.   Wuxuu ku wargalinayaa lana tashanayaa bulshada rayidka, culimada, haweenka, dhalinyarada, ururada siyaasadeed iyo dhammaan qaybaha kale ee dadweynaha waxyaabaha uu ka koobanyahay soo jeedinta iyo warbixinta uu soo gudbiyay Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyadoo lala kaashanayo Wasaaradda Arimaha Dastuurka.

5.   Wuxuu hubinayaa in dadweynaha la siiyo fursado ku filan oo ay kaga qeybqaataan doodaha intii suurta gal ah.

6.   Wuxuu la tashanayaa guddiyada iyo xubnaha kale ee Baarlamaanka Federaalka.

7.   Wuxuu la tashanayaa Hay’adaha Sharci-dejinta ee Dowlad Goboleedyada.

8.   Wuxuu si madaxbanaan u qorsheenaya una maamulayaa miisaaniyadda Guddiga La socodka iyo dib-u-eegista Dastuurka, iyadoo la dhowrayo shuruucda Maamulka Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

9.   Wuxuu diyaarinayaa qorshaha hawleedka iyo hannaanka dib-u-eegista dastuurka iyo miisaaniyad lagama maarmaanka u ah ee lagu fulinayo howlaha geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka iyadoo lala kaashanaayo Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dustuurka. –

10. Guddiga Dib-u-Eegista iyo La socodka Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka wuxuu korjoogteynayaa, lana xisaabtamayaa hawlaha Wasaaradda Arimaha Dastuurka iyo Guddiga Madaxabanaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgalinta Dastuurka si waafaqsan Dastuurka KMG ah.

Scroll to Top
Scroll to Top