Hay’adaha Dib u eegista Dastuurka ee heer Federaal oo uu hogaaminaayo Guddiga la-socodka Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa la kulmay Kusimaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabelle iyo Golihiisa Wasiirada.
Guddoomiye ku xigeenka Guddiga la socodka Dastuurka BFS xildhibaan Kaamil ayaa ku-wareejiyay laanta fulinta Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dokumentiyada ay u wadeen oo ah
(1). Nuqulka soojeedinta qabyo qoraalka dib u eegista lagu sameeyay ee Dastuurka KMG
(2). Warbixin kooban oo la socoto fasiraadna ka bixineeysa hanaanka loomaray soojeedinta qabyo qoraalka labaad.
(3). Nuqulka asalka ah ee Dastuurka KMG ah.
(4). Iyo warqad fareeysa in ay aragtidooda ku aadan dib u eegista Dastuurka ku soo gudbiyaan muddo kayar 30 cesho.
Madaxweyna ku-xigeenka Cali Guudlaawe ayaa u mahad celiyay Guddiyada sida sharafta leh oo ay usoo gaarsiiyeen cutubyada iyo qodobada dib u eegista lagu soo sameeyay, waxuuna ballan qaaday in ay diiradda saari doonaan kana soo dhiiba doonaan aragtidooda ka Hirshabeelle ahaan waqtiga loo qabtay.
kulanka ayaa kusoo gabogaboobay si wanaagsan waxuuna qado sharaf u sameeyay Hay’adaha Dastuurka ee heer Federaal.