Madasha 2aad

 

 

JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
MADASHA GUDDIYADA DASTUURKA HEER FEDERAL IYO HEER DOWLAD GOBOLEED

 

 

 

WAR-MURTIYEED 11 OCTOBER 2018 – GAROOWE

HORUDHAC

Shir La-tashi ah oo socday muddadii u dhexeysay 9 ilaa 11 Okotber 2018, laguna qabtay Magaalada Garoowe ee Puntland ayaa waxaa isugu yimid xubnaha Madasha Guddiyada Dastuurka ee Heer Federaal iyo Heer Dawlad Goboleed oo ka kooban Guddiga Dib-u-eegista iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka BFS, Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiyada Dastuurka Baarlamaannada Dawlad Goboleedyada iyo xubno ka socda Guddoonnada Baarlamaannada Punland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Shirka oo ahaa kii 2aad ee Madasha waxaa furey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ee Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi.

Shirka waxaa diiradda lagu saarey soojeedinta 5ta cutub ee hore ee dib-ueegista lagu sameeyey, waxayna natiijadii shirku noqotay sida soo socota:

1)            Waxaa si rasmi ah loo daahfurey La-tashiga natiijadii dib u eegidda cutubyada 1aad ilaa 5aad ee dib-u-eegista lagu sameeyey. 


2)            Warbixinta Soojeedinta Wax-kabeddelka Cutubyada 1aad ilaa 5aad ee Dastuurka KMG ah ayaa laga dhageystey Guddiyada heer federaal ee soo diyaariyey cutubyada. 


3)            Xubnaha Mahadasha Guddiyada Dastuurka waxay ka doodeen 5ta cutub ee dib- u-eegista lagu sameeyey, waxayna soo bandhigeen aragtidooda ku aadan Soojeedinta Guddiyada Dastuurka ee Heer Federaal.

4)            Waxaa lagu balamey in Guddiyada Dastuurka ee heer Dowald Goboleed kula noqdaan Baarlamaanadooda loona diyaar garoobo sidii latashiyada loo gaarsiin lahaa golayaashooda iyo shacabka ku dhaqan Soomaaliya oo dhan.

5)            Madasha Guddiyada Dastuurku waxay bogaadinaysaa dadaalka badan ee ay sameeyeen Guddiyada Dastuurka ee heer Federaal oo soo diyaariyey wax-ka-bedelka cutubyada 1aad ilaa 5aad ee Dastuurka, ayadoo ay jirtay caqabado badan ee la xiriira geeddi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka.

6)            Xubnaha Madashu waxay isku raaceen in La-tashiyada 5tan Cutub loo bilaabo sida ugu dhaqsaha badan.

7)            Shirka 3aad ee Madasha Guddiyada Dastuurka wuxuu dhici doonaa horaanta bisha Febraayo 2019 ayadoo goobta ay ka tashan doonaan xubnaha Madasha. 


BAAQ

Madashu waxay baaq ugu soo jeedineysaa Madaxda Baarlamaanada iyo Fulinta ee heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleedba inay taageero wax ku ool ah ka geystaan dib-u-eegista dastuurka isla markaana laga fogaado wax walbo oo caqabad ku noqon kara howlaha dib-u-eegista Dastuurka. Waxayna Madashu ugu baaqaysaa Xukuumadaha Federalka iyo kuwa dawladaha xubnaha ka ah inay heshiis deg deg ah ka gaaran qodobka 54aad ee la xiriira awood-qaybsiga si looga hortago dib-u-dhac ku yimaada dhameystirka cutubyada shanta ah.

MAHADNAQ

Madasha Guddiyada Dastuurka waxay mahadnaq weyn u jeedinaysaa Dawladda Puntland gaar ahaan Guddoomiyaha iyo Golaha Wakiilada Puntland soo dhaweynta iyo martigelinta Madasha kulankeeda 2aad. Waxaa sidoo kale loo mahadnaqayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, hay’adda UNDP iyo deeq bixiyaasha kale ee ka qaybqaatey fududaynta qabsoomidda shirkan.

WABILAAHI TOWFIIQ

 

 

 

Scroll to Top
Scroll to Top