Labada Guddi oo ansixiyay kalana saxiixday nuqulkii 2aad ee dib u eegista lagu sameeyay

Facebook
Twitter
LinkedIn

Soo Gudbinta Natiijada Dib-u-Eegida 2aad ee wax ka beddelka Dastuurka

Gudiga Madaxa-Bannaan ee Dib-U-Eegida iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa waxaa Guddiga La-socodka Dastuurka Baarlamaanka FS u soo gudbiyo natiijada dib u eegidii 2aad ee wax ka beddelka Dastuurka Ku meel gaarka ah.

Waxaa guddigu dib u eegid labaad kusoo sameeyay dhamaan cutubyada Dastuurka taas oo isugu jirta kaabid, Ku daris, iyo toosin dheeraad ah waxaa kale uu guddigu daraasado ku sameeyay hannaanka maaliyadda guud iyo arrimaha awood qeybsiga oo ah daraasad ku lifaaqan haankane ugu xiran nuqulka.

Nuqulka Dib-u-eegista-2aad ee qoraalka Dasuurku waxa uu ka kooban yahay 16 cutub, 159 qodob iyo 273 Bog oo ay raacsan yihiin daraasado laga sameeyay awood qeybsiga oo ku lifaaqan nuqulka wax ka beddelka Dastuurka kana kooban laba jadwal oo kala ah Jadwal 2 “A” oo ka hadlaya awoodaha gaarka ah ee Dowladda Federaalka iyo Jadwalka 2 “B” oo ka hadlayaa Awoodaha gaarka u ah ee Dowlad Goboleedyada.
Waxaa sidoo kale ku lifaaqan daraasad guud oo laga sameeyay mabaadi’da Maaliyadda guud oo ka kooban 10 qodob oo iyaga ku lifaaqan nuqulka 2aad.
Gun iyo gunnaanad waxa uu guddigu ku rajo weyn yahay in Guddiga la socodka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ku biirin doono aragtidiisa wixii talo iyo tusaale ahna usoo gudbin doono Gudiga madax banaan.

Aqbalidda  iyo La-Wareegidda Soojeedinta Wax-ka beddelka Dastuurka KMG ee qabyo qoraalka 2aad,

Kadib Guddiga la socodka Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Guddiga Madax bannaan ee dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka kala wareegay soojeedinta Wax ka beddelka Dastuurka KMG ee Qabyo Qoraalka 2aad.

Guddigu wuxuu Guddiga Madaxbannaan kala wareegay soojeedinta wax-ka-bedelka oo ka kooban:-
1. Lix iyo Toban (16) cutub oo ka kooban cutub cusub iyo shan iyo tobankii hore oo dib u eegis lagu sameeyey.
2. Cutubyadaas waxaa ay ka kooban yihiin 159 qodob.
3. Qoraalka guud waxa ka kooban yahay 273 oo uu ku jiro bogga 1aad.
4. Lifaaqyo ku saabsan daraasado laga sameeyey Awood qaybsiga iyo maamulka Maaliyadda Guud.

Soo jeedinta cusub waxaa lagala tashan doonaa Madaxda Qaranka , Dowlad Goboleedyada iyo shacabka soomaaliyeed ka hor inta aanu Baarlamaanka Federaalka Ansixinin.

Scroll to Top
Scroll to Top