War saxaafadeed

JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

MADASHA GUDDIYADA DASTUURKA HEER FEDERAL IYO HEER DOWLAD GOBOLEED.

WAR-MURTIYEED 28 AGOOSTO 2019 – GAROWE

HORUDHAC

Shir La-tashi ah oo socday muddadii u dhexeysay 26 ilaa 28 Agoosto 2019, laguna qabtay Magaalada Garoowe ee Dawladda Puntland ee Soomaaliya ayaa waxaa isugu yimid xubnaha Madasha Guddiyada Dastuurka ee Heer Federaal iyo Heer Dawlad Goboleed oo ka kooban Guddiga Dib-u-eegista iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka ee BFS, Guddiga Madaxbannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiyada Dastuurka ee Golayaasha Wakiilada Dawlad Goboleedyada iyo xubno ka socda Guddoonnada Golayaasha Wakiilada Dowlad Goboleedyada.

Shirka waxaa diiradda lagu saarey soojeedinta wax-ka-beddelka cutubyada 10aad, 11aad, 13aad, 14aad iyo 15aad ee Dastuurka KMG ee ay diyaariyeen Guddiyada heer Federaal, waxayna natiijadii shirku noqotay sida soo socota:

1)            Waxaa ay labada Guddi ee heer Federal soo bandhigeen Warbixinta Soojeedinta Wax-ka- beddelka Cutubyada 10aad, 11aad, 13aad, 14aad iyo 15aad ee Dastuurka KMG ah. 


2)            Sida uu qabo Qodobka 133 faqradda 8 (e), Xubnaha Madasha Guddiyada Dastuurka waxay ka doodeen 5ta cutub ee dib u eegista lagu sameeyey, waxayna soo bandhigeen talooyinkooda ku aadan Soojeedinta ay sameeyeen Guddiyada Dastuurka ee Heer Federaal.

3)            Madashu waxay ku balantey in Dastuurka dib u eegista lagu sameeyey la gaarsiiyo dhamaan golaaysha wakiilada, golayaasha fulinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Dowald Goboleedyada iyo Gobolka Banadir si loo helo aragtidooda.

4)            Madasha Guddiyada Dastuurku waxay bogaadinaysaa dadaalka badan ee ay sameeyeen Guddiyada Dastuurka ee heer Federaal oo soo dhameystirey dib u eegista dhammaan cutubyada Dastuurka KMG.

5)            Shirka 5aad ee Madasha Guddiyada Dastuurka wuxuu dhici doonaa dhammaadka bisha Novembar 2019 iyadoo goobta ay ka tashan doonaan xubnaha Madasha. 


BAAQ

Madasha Guddiyada Dastuurka waxaa ay ugu baaqaysaa Dawladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo shacabka Soomaaliyeed inay ka qaybqaataan dhameystirka Geeddi-socodka dib u eegista Dastuurka lana siiyo mudnaanta koowaad sidii uu ku hirgeli lahaa Dastuurka. Madashu waxaa ay ku celinaysaa baaqeedii hore ee ahaa in Xukuumadda Federalka iyo Dowad Goboleedyada heshiis deg deg ah ka gaaran qodobada wada-xaajoodka siyaasadeed u baahan si looga hortago dib-u-dhac ku yimaada dhameystirka Dib-u-eegista Dastuurka Soomaaliya.

MAHADNAQ

Madashu waxay mahadnaq weyn u jeedinaysaa Dawladda iyo Shacabka Puntland ee Soomaaliya soo dhaweynta iyo martigelinta Madasha kulankeeda 4aad. Waxaa sidoo kale loo mahadnaqayaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, hay’adda UNDP iyo deeq bixiyaasha kale ee bixiya taageero siyaasadeed, mid farsamo iyo mid maaliyadeed ee Geedi-Socodka Dib-u- Eegista Dastuurka.

-DHAMMAAD-

 

Scroll to Top
Scroll to Top