Muqdisho; 30 Maarso, 2024; Xubnaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya labadiisa Aqal ayaa maanta ansixiyay afarta cutub ee ugu horeeysa Dastuurka Soomaaliya.
Ugu horeyn sida uu qabo Qaraarka Habraaca Wax ka beddelka Dastuurka Qodobkiisa 5aad, Farqada Saddexaad, Guddiga Dib u eegista iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka ayaa keenay soojeedin(motion) ku saabsasan cutubka labaad qodobka 13(1) “Xaqa Nolosha”, Qodobka 16aad: “Xorriyadda Diinta iyo Caqiidada” iyo Qodobka 28(2): “Da’da Caruurta”, in laga reebo ansixinta Dastuurka, qodobaddaas oo ay Guddigu ku sheegeen inay wali u baahanyihiin Latashi iyo cilmibaaris dheeraad ah oo dhanka culumada Soomaaliyeed ah.
Intaas ka dib, Xildhibaanadda labada Aqal ee BJFS, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Cutubka 1-aad ilaa Cutubka 4-aad ee Dasturka, iyadoo marka hore Afarta cutub mid mid habka rasaynta loogu codeeyay, kaddibna afarta cutub oo wada socdo ayey labada aqal ee Baarlamaanka u kala codeeyeen, 𝟒𝟐 Sanatar oo Aqalka Sare ah iyo 𝟐𝟏𝟐 Xildhibaan Golaha Shacabka ah oo wadarta guud ka dhigaysa 𝟐𝟓𝟒 ayaa u coddeeyay afarta cutub ee wax ka badalka Dastuurka, ma jirin wax diiday ama ka aamusay.