Doodda Cutubka Labaad ee Dastuurka oo Gashay maalintii labaad

Facebook
Twitter
LinkedIn
Muqdisho; 26 Febraayo, 2024;
Waxaa maalintii labaad galay ka doodista cutubka labaad ee soojeedinta wax ka beddelka Dastuurka oo ka hadlaayo Xuquuqda Asaasiga ah iyo Waajibaadka Muwaaddinka qodobadiisa 10aad ilaa 20aad.
Doodda maanta waxaa ka qaybqaatay in ka badan 34 xildhibaan iyo senator, ayagoo diiradda saaray xorriyadda diinta, caqiiddada, sinnaanta, xuquuqda asaasiga, xorriyadda nabadgelinta qofnimada isla-markaaba waxay si gaar ah xildhibaannada iyo Sanatarrada uga doodeen gudniinka gabdhaha iyo qodobo kale oo muhiim u ah soojeedinta wax ka beddelka Dastuurka.
Cutubkan labaad oo ah cutubka ugu dheer cutubyada Dastuurka ayaa doodiisa sii socon doonto maalmaha soo socda.
== Dhamaad ==
Wixii Faahfaahin ah nagala soo xiriir.
Email: info@dastuurka-bfs.so
Twitter: @OC_Constitution
Scroll to Top
Scroll to Top