DOODDII DASTUURKA OO MAANTA GASHAY MARXALADDA SEDDEXAAD

Facebook
Twitter
LinkedIn
Muqdisho; 28 Maarso, 2024; Dooddii Dastuurka ee hortaalay Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gashay Marxaladda Seddexaad ee Codeynta iyo Ansixinta Soojeedimaha wax-ka-bedelka Dastuurka.
Sida uu qabo Qaraarka Habraaca Ansixinta Wax-ka-beddelka Dastuurka KMG qodobkiisa 5aad Marxaladdan ayaa ka bilaabaneeysa in loo qaybiyo nuqulka soojeedinta wax-ka-baddelka kama dambeysta ah xubnaha labada gole ee BFS, kaas oo lagu soo dhafay fiirooyinka iyo ra’yiga/aragtida ay xildhibaanada labada Gole soojeediyeen inta lagu guda jiray marxladda labaad, sidoo kalana lagu soo daray natiijooyinka latashiyada iyo aragtidii dadweynaha kala duwan lala yeeshay.
Guddoomiyaha Guddiga Dib u eegista iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka Xil.Xuseen iidow ayaa xubnaha labad gole ee BJFS la wadaagay warbixin soo koobaysa talooyinkii ay dhiibteen 306 xildhibaan intii lagu guda jiray Marxaladii Labaad iyo sida loogu soo dhafay nuqulka kamadanbaysta ah ee maanta loo qaybiyay BJFS.
Guddonka BJFS ayaa u sheegay xubnaha Baarlamaanka labada Gole inay soo akhristan nuqulka kama dambeysta ah si ay ugu codeeyaan maalinta Sabtida ah ee 30 Maarso 2024.
Scroll to Top
Scroll to Top