Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare oo loo soo bandhigay Habraaca Ansixinta Dastuurka KMG.

Facebook
Twitter
LinkedIn

Guddiyada Dib u eegista Dastuurka ee heer Federaal oo kala ah Guddiga La socodka Dastuurka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Guddiga Madaxabanaan ee dib u eegista iyo Hirgalinta Dastuurka ayaa maanta kulan ay la yeesheen Guddiga Joogtada iyo Gudoonka Golaha Aqalka Sare waxay ugu soo bandhigeen Habraaca wax kabeddelka Dastuurka KMG ah.

Kulankan oo ahaa kulankii 5aad ee kalfadhiga 7aad ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare senator Cabdi Xaashi Cabdullahi, waxana soo xaadiray 16 senator oo kamid ah xubnaha Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka Sare iyo xubnaha labada Guddi ee dib u eegista Dastuurka.

Senator Cabdi Xasan Cawale (Qaybdid) oo ah Guddoomiyaha Guddiga La-socodka Dastuurka labada Aqal ee Baarlamaanka FS ayaa u mahadceliyay guddoonka iyo Guddiga Joogtada Aqalka Sare kana sheekeeyay qaabkii loosoo diyaariyay Habraacan iyo juhdigii lagu soo bixiyay waxuuna yiri Habraacan ama Qaraarkaan waxaa la diyaariyay kol hore waxaana la horgeeyay 27 NOV,2019, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya labadiisa Gole oo wada fadhiya si ay wadajir ugu ansixiyaan, maadaama uu dhacday cudurkii CoronoVirus oo aduunka dhan kala xanibay ayuu dib ugu dhacay. Nidaamka ama qorshahu waxa uu ahaa in labada Aqal oo wadajir ah ay ansixiyaan Qaraarkaan kadibna la-bilaabo doodda ansixinta Dastuurka, laakiin hadda guddiyada joogtada ee labada Aqal ayan u akhrineeynaa si ay aragtiyadooda ugu darsadaan kadibna waxaan rabnaa in labada Aqal si kala gaargaara u ansixiyaan.

Xildhibaan Burhaan Adan Cumar, oo ah xubin ka tirsan Guddiga La socodka Dastuurka BFS ayaa u akhriyay Habraaca Ansixinta Wax-ka-beddelka Dastuurka Guddiga Joogtada ee Golaha Aqalka Sare, kadib su’aalo ay ka qabeen Qaraarka markay guddiyadu uga jawaabeen ayay codsadeen in halmaalin la siiyo si ay senatarada kale aragtiyadooda ugu soo darsadaan.

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare senator Cabdi Xaashi, ayaa u ongolaaday guddoomiyayaasha guddiyada Aqalka Sare (Guddiga Joogtada) in maalinta ay codsadeen qaataan si ay xubnahooda ugala soo tashadaan, waxuuna soo gabogabeeyay shirkii Guddiyada Dastuurka iyo Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare ay maanta ku yeesheen xarunta Aqalka Sare ee BFS.

 

SAWIRADA:

Scroll to Top
Scroll to Top