WAR-MURTIYEED 19 ABRIIL 2018 – MUQDISHU

JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA

MADASHA GUDDIYADA DASTUURKA HEER FEDERAL IYO HEER DOWLAD GOBOLEED.

WAR-MURTIYEED 19 APRIL 2018 – MUQDISHU

HORDHAC

Shir wadatashi ah oo socday muddadii u dhexeysay 18 ilaa 19 Abriil 2018, laguna qabtay Magaalo-madaxda Muqdisho ayaa waxaa isugu yimid Guddiyada Dastuurka Heer Federaal & Guddiyada Dastuurka Baarlamaannada Dowlad goboleedyada Soomaaliya, waxaana shirka madasha daah-furay Guddoomiyaha Aqalka Sare, waxaana soo xiray Shirkii Madasha Guddiyada Dastuukra Sii-hayahaXilka Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaadee Golaha Shacabka Barlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Waxaa hadal kasoo jeediyey xafladdii furitaanka Guddoonnada Baarlamaannada Punland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle.

Sida uu qabo Dastuurka KMG ah qodobkiisa 133 farqadda 8aad xarafyada a, b, c, d iyo gaar ahaan xarafka (e) kaasoo sheegaya”Guddiga la socodka waxay hawl gelinayaa golayaasha sharci dejinta ee dowladgoboleedyada xubinta ka ah federaalka kuna daraan waxyaabaha ay soo gudbiyeen oo la isku waafaqay,wax ka bedelka la soo jeediyey, haddii arrimuhu ay taabanayaan danaha gobolka”.Hadaba shirkani waxaa loogaga tashaday qaabkii ay u wada shaqeyn lahaayeen guddiyada sare ku xusan.

ARRIMAHA SHIRKA LOOGA HADLAY

Mudadii shirka uu socday waxay guddiyadu soo bandhigeenkana doodeen qodobo badan oo ay ka mid yihiin:

     a)Hannaanka Geedi-socodka dib u eegista Dastuurka iyo hay’adaha ku lugta leh.

     b) Xog- wadaagid Geedi socodka dib-u-eegista Dastuurka; howlihii qabsoomey ilaa iyo hadda.

     c)Warbixinta iyo talo soo jeedinta Guddiyada Dastuurka Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada dalka.

     d)Dood ku saabsan qaabka wadashaqeynta Madasha Guddiyada Dastuurka Heer Federaal iyo Guddiyada Dastuurka Baarlamaannada Dowlad-goboleedya.

QODOBADALA ISKU WAAFAQAY

Falanqeyn dheer kadib, Guddiyada Dastuurka Heer Federaaloo kala ah Guddiga Dib u eegidda & La socodka Hirgelinta Dastuurka & Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib U Eegidda & Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiyada Dastuurka Baarlamaannada Dowlad Goboleedya waxay isku waafaqeen qodobada hoos ku xusan:

  1. In ay yeeshaan Madal kulmiso Guddiyada Dastuurka Heer Federaal oo kala ah Guddiga la socodka dib u eegista, Guddiga Madaxbannaan ee dib u eegista Dastuuka iyo Guddiyada Dastuurka Baarlamaannada Dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle si loo xoojiyo iskaashiga, khibrad iswaydaarsiga, xog wadaagistaiyo wada shaqeynta guddiyadaas.
  2. Hogaanka Madasha wuxuu ka koobnaanayaa 7 xubnood oo kala ah:
  •     Guddoomiyaha Guddiga La socodka Dastuurka                                 Guddoomiye
  • Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan.                                              G K/xigeen
  • Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Puntland                                         Xubin
  • Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Jubbaland.                                      Xubin
  • Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Konfur Galbeed                             Xubin
  • Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Galmudug                                      Xubin
  • Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka. Hirshabelle                                   Xubin
 
 

 3. Madashu waxay kulmi doontaa saddexdii biloodba mar ama marka loo baahdo kulamo degdeg ah, waxayna ku kulmaysaa Mogadishu ama Xarumaha Dowlad Goboleedyada hadba tii la isla garto.

4. In la dardargeliyo geedi Socodka dib u eegista dastuurka laguna dhammeeyo muddo 12 bilood gudahooda ah sida ku cad Qorsho Hawleedka Hay’adaha Dastuurka Heer Federaal.

5. Si loo hubiyo lahaanshaha soomaalida ee Dastuurka, waa in lagu hirgeliyaa maskax, maal iyo talo soomaaliyeed oo loo wada dhanyahay.

6. In si wadajir ah looga qeyb qaato wadatashiga iyo wacyigelinta dadweynaha ee arrimaha dastuurka iyadoo la gaarsiin doono heer Gobol, Degmo, tuulo, iyo jaaliyadaha dibadda.

7. In lais waafajiyo dastuurada Dowlad goboleedyada iyo Dastuurka Dawladda Federaal marka la isku raaco lana ansixiyo dastuurka, afti dadweyne loo qaado.

8. Hogaanka Madasha ayaa ka mas’uul ah dejinta ajandayaasha kulamada, gaarsiinta guddiyada kale, diridda casuumadaha iyo diyaarinta iyo qaybinta hadal qoraalada.

9. In la dhowro xuquuqda Haweenka iyo dadka naafada ah.

10. In la dardargeliyo la iskana kaashado sidii XFS, Xukuumadaha Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadirba go’aan degdeg uga gaari lahaayeen qodobadii horey loogu gudbiyey ee quseeyay arimaha kheyraad qaybsiga, awood qaybsiga, maamulka maaliyadda guud iyo arimaha kale ee wada xaajood siyaasadeed u baahan si aysan dib u dhac ugu keenin dhameystirka Dib-u-eegista Dastuurka waqtigii loogu tala galay.

11. In Madashu ay sameeysato xeer-hoosaadka qeexaya dhammaan hawlaha u yaal.

12. Madaxda madasha Guddiyada Dastuurka ee heer Federaal iyo heer Dawlad Goboleed waxay kala saxiixdeen Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya.

13. Waxaa la isku raacay in ay-yeelato Madashu marjac oo ka kooban Guddoonka Golaha shacabka, Guddoonka Aqalka Sare ee Baralmaanka Federaalka Soomaaliya iyo Guddoonnada Barlamaanada Dawlad Goboleedyada kala ah Puntland, Jubbaland, Konfur-Galbeed,Galmudug iyo Hirshabelle.

BAAQ

Waxaan si wadajir ah baaq ugu jeedineynaa Madaxweynaha DFS, Guddoonada BFS, Ra’iisul wasaaraha XFS inay taageero wax ku ool ah ka geystaan dib u eegidda dastuurka.

MAHADNAQ

Waxaan mahadnaq weyn loo soo jeediyey Guddiyada Dastuurka Heer Federaal oo kulankani soo qabanqaabiyey iyo hay’adda UNDP iyo deeq bixiyaasha kale oo qeyb muhiim ah ka qaadatay dhaqaalaha ku baxay shirkan.

Sidoo kale waxaa mahad gaar ah leh Guddoonnada iyo Guddiyada Dastuurka Dowlad goboleedyada oo kaalin mug leh ka qaataykulanka iyo ka soo qeybgalkooda buuxa.

WABILAAHI TOWFIIQ

Scroll to Top
Scroll to Top